1: isaga ayaa ka masuul ah fariimaha uu cid kale u diro ee keeni kara sumcad daro, aflagaado, ceebayn, sababi kara xad-gudub shuruucda Islaamka iyo tan dalka ama ku tumasho xuquuqda dadka kale sida magac dil, qoraalo anshaxa suuban khilaafsan, been, marin habaabin iyo khiyaamo, qabyaalad, hayb-sooc iwm.
2: HormuudXaq bay u leedahay inay kaa joojiso adeeggan hadii macmiilku uu sameeyo wax ka mid ah qodobka 1 aad.
3: Fariimaha looma diri karo qof codsaday in laga saaro liiska fariimaha.
4: Lama baahin karo farriin kasta oo ka hor-imanaysa siyaasadda shirkadda Hormuud, sida in lagu xayaysiiyo tartamayaasha shirkadda, iwm.
5: Haddii adeeggan macmiilka la siiyay uu iibiyo ama cid kale inay isticmaasho uu u ogolaado, shirkadda Hormuud xaq bay u leedahay in ay ka joojiso.
6: Qiimaha Halkii SMS waa laba senti ($0.02)..
7: Halkii fariin qoraal waa boqol iyo lixdan xaraf (160 Xaraf).
8: Tirada fariimahala dirsan karo halki mar waa 5 ilaa 13, 333 fariimood.
9: Si heshiiskan uu u dhaqan galo waxaa lagaaga baahanyahay:
->Warqad codsi ah (application letter)
->sawirka baasaboorka, kaarka dhalashada iwm.
10: Labada dhinacwaxay xaq u leeyihiin joojinta adeegga ka dib wargalin muddo bil ka hor ah.